RASMI: Kulammada Premier League oo dib loo dhigay

0
182

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Maamulka Premier League ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo kulammadii Isbuuca toddobaad ee horyaalka oo lagu waday in uu furmo maanta oo Sabti ah, sabab la xiriira geerida boqoradii UK ee Queen Elizabeth II.

War-saxaafadeedka Maamulka horyaalka Premier League ayaa lagu yiri: “Kulankii qabsoomay subaxnimadan, kooxaha Premier League waxay xushmad u muujiyeen boqorada UK ee Queen Elizabeth II, si ay u sharfaan nolosheeda gaarka ah iyo wax qabadkeeda wadanka.”

“Si loogu muujiyo ixtiraam kulammada Premier League ee Isbuucan dib ayaa loo dhigi doonaa.”

Madaxa fulinta ee Premier League Richard Masters ayaa sheegay: “Anaga iyo kooxaha waxaan jeclaan lahayn inaan xusno adeeggii dheeraa oo ay Boqoraddu u soo adeegtay waddankeenna, maadaama ay ahayd boqoraddeennii ugu muddada dheerayd, waxay ahayd dhiirigelin waxayna ka tagtay dhaxal cajiib ah.”

Waxa kale oo la baajiyey kulamadii horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee EFL ee dhici lahaa usbuucan

Sidoo kale waxaa la baajiyay kulamadii Woqooyiga Ireland sida uu shaaciyey xiriirka kubadda cagta ee Northern Ireland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here