Ralf Rangnick oo u digay ciyaartoyda Man United kahor kulanka Everton

0
236

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa uga digay Red Devils inay wax dhibco ah lumin kulanka Everton.

Kooxda Everton ayaa garoonkeeda Goodison Park ku marti galin doonta kooxda Manchester United kulan ka tirsan todobaadka 32-aad ee horyaalka premier League.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ralf Rangnick, kahor kulanka Everton, wuxuuna yiri:

“Ma jecli inaan ka hadlo tababare kasta oo suurtagal ah inay la saxiixato Man United.”

“Manchester United ma awoodo inay lumiso dhibco cusub.”

“Waxa aan ka ogahay dhamaan tababarayaasha ay kooxdu la hadashay ayaa ah in ay yihiin tababarayaasha ugu sareeya, taasina waxa ay sidoo kale khusaysaa Erik ten Hag, taasi waa waxa kaliya ee aan sheegi karo wakhtigan.”

“Waxa aan maamulka Man United kula heshiiyey door lataliye ahaan, waxa aanu ka hadli doonaa labada todobaad ee soo socda, laakin waxa aan diirada saarayaa kulanka beri.”

“Marka hore, waxaan u baahanahay inaan badino kulanka soo socda, ka dibna waxaan ka hadli karnaa ciyaaraha kale.”

“Haddii aad eegto xaalada haatan ee kala saraynta horyaalka Premier League, ma awoodno inaan lumino wax dhibco ah, waxaana filayaa in ciyaartoy kasta oo kooxda ka tirsan uu taas og yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here