Rakaab ka booday diyaaraddii uu saarnaa

0
302

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Nin ayaa ka booday diyaarad ka sii kacaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Los Angeles, ka dib markii uu isku dayay inuu galo qolka diyaaradda laga haga.

Ninkan oo aan la aqoonsan ayaa furay albaabka diyaaradda oo uga booday si deg-deg ah, Maamulka Duulista Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa sidaas yidhi.

Waxaa lagu xidhay waddada gaadiidka ee garoonka, waxaana loo qaaday isbitaal isaga oo qaba dhaawacyo aan la shaacin.

Waxaa kor u kacay dhacdooyinka sidan oo kale ah ee duullimaadyada Mareykanka. Qiyaastii 3,000 oo dhacdo ayaa la diiwaan galiyay sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here