Ra’isul Wasaarihii Lubnaan oo is casilay

0
195

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ra’isul Wasaarihii Lubnaan Saad Hariri ayaa iska casilay xilkiisii, kaddib markii sida uu sheegay uu ku fashilmay dadaalladii uu ku soo dhisi lahaa xukuumad lagu wada qanacsanyahay ee badbadisa dalkaas.

Hariri ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa kaddib markii uu la kulmay madaxweyne Michel Aoun, isagoo sheegay in ay caddahay in aysan heshiin karin, isla markaana hoosta ka xarriiqay isqabqabsiga siyaasadeed ee hor istaagay dhismaha golaha wasiirada, xilli Lubnaan ay ku sii dhaceyso qalelaase baaxad leh.

Hariri, oo saddex goor oo hore Ra’isul Wasaare ka soo noqday Lubnaan ayaa ah siyaasi Sunni ah oo hogaamiya Sunniyiinta Lubnaan, waxaana xilka loo magacaabay bishii Oktober ee sanadkii hore, kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Xasan Diab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here