Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya oo Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday fududeynta kharashka gurmadka Baladweyne

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray Wasaaradda Maaliyadda in ay fududeeyso lacagta ku baxayaysa dadaallada looga hortagayo fatahaadaha Beledweyne.

Ra’iisul wasaaraha oo warbixin ka dhageystay Guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan bulsahda Soomaaliyeed ugu baaqay in xoogga la isugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin inta uu khasaaraha imanayo.
Hadda waxaa socoda dadaal ku aaddan sidii loo adkeyn lahaa meelaha uu Wabigu ka jilicsanyahay iyo in la furo kannaalada yar yar si biyuhu isku dhimaan.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.

Xukumadda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo xal loogu raadinaayo fatahaadaha ku soo laalaabta dalka.

Dabayaaqadii sandkii hore ee 2019 ayaa la xusussta fatahaad baaxad leh oo Wabiga Shabeelle ka geystay magaalada Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here