Raheem Sterling Oo Muujiyay In Uu Ka Careysan Yahay Maamulka Man City.

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Raheem Sterling  ayaa ka careysan qaabka ay ula dhaqmayaan maamulka Man City sida ilo ku dhaw laacibka laga soo xigtay

Wargeyska Miror ayaa qoraya in Raheem uu ka careysan yahay  sida kooxdiisa u dooneyso in ay qeyb uga dhigaan hishiiska ay ku doonayaan xiddiga Tottenham ee Harry Kane

City ayaa dadaal ku bixineysa in xagaagaan helaan Harry ka dib markii uu kooxdaas ka tagay gool dhaliyahoodii taariikhiga  ee Serigo Aguero

Waxaa la xusay in City diyaar u yihiin in dalab 100 milyan oo gini ka geeyaan Harry Kane oo ay sii dheer tahay talaabo ay ku sii raacsiinayaan xiddigo  City ah waxaana ku jira Raheem Sterling

Hishiiska Raheem ee City waxa uu dhacayaa 2023-ka waana uu dareensan yahay in kooxdiisa damacsan tahay in xagaaga ka taqalusaan  balse waxa uu diidan yahay in uu hishiiska Harry Kane qeyb ka noqdo

Kooxda Arsenal ayaa haatan si weyn u dooneysa saxiixiisa waxa ayna diyaar u yihiin in ay toos u iibsadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here