Qorshaha Barcelona Ee Suuqa January Oo La Ogaaday

0
273

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay taageerayaasha kooxda Catalan in seddex ciyaaryahan oo cusub ay imaan doonaan Camp Nou marka la gaadho suuqa January.

Xavi ayaa loo xaqiijiyay inuu yahay macalinka cusub ee Barcelona, ​​waxaana tababaraha reer Spain la filayaa in la siiyo dhaqaale uu ku horumariyo kooxda marka la gaaro sanadka cusub inkastoo ay jiraan arrimo dhaqaale oo kooxda ah.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa inay ka go’an tahay inay kooxda keento weeraryahan cusub ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in Sergio Aguero uu maqnaanayo seddex bilood, halka ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah sidoo kale la bartilmaameedsan karo.

Sida laga soo xigtay TV3, Laporta ayaa u sheegay taageerayaashiisa kulan casho ah oo uu la qaatay In kooxdu ay samayn doonto seddex saxiix inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee Janury.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirto kooxda Villrreal kaas oo ay ka doonayso saxiixa weeraryahanka Cedric Bakambu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here