Qoraal Lagu Xardhay Lacagta Nayjeeriya oo Muran Dhaliyay.

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Muran ayaa ka dhashay mid ka mid ah qoraallada ku daabacan lacagta dalka Nayjeeriya oo ay dood ka keeneen qaar kamid ah sharci yaqaannada dalkaas.

Malcolm Omirhobo oo ah qareen reer Nayjeeriya ayaa maxkamad ku taalla Lagos hor keenay dacwad uu ku diiddanyahay erayo af carabi ah oo ku qoran lacagta dalkiisa.

Qareenka ayaa sidoo kale doonayaa ereyada af carabiga ah laga saaro astaanta militeriga ee Nigeria oo lagu xardhay ereyo carabi ah.

Qareenkan ayaa sidoo kale doonayaa in ereyada carabiga ah ee lagu dul qoray lacagta iyo astaanta militeriga loo baddalo ereyo Ingiriis ah ama saddexda luqadood ee inta badan looga hadlo Nigeria ee kala ah Hausa, Yoruba iyo Igbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here