QM oo soo dhoweysay meel marinta Istiraatiijiyadda Qaran ee ka dhanka ah Musuqa

0
369

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Bahda Qarammada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabooyinka ay dhowaan ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanayo musuqmaasuqa.

Golaha wasiirada Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyey Istaratijiyadda Qaran ee la dagaalanka Musuqa, taasi oo loogu tala galay in lagula dagaalamo musuq-maasuqa, laguna laguna dhiso Hay’ad dowli ah oo la dagaalanta Musuqa iyo isla-xisaabtanka .

James Swan ayaa sheegay in ay tahay talaab muhiim ah, ayna ku dhiira-gelinayaan in dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo ay ku xaqiijinayaan dhaqan gelinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa.

“Waxaan soo dhaweynayna ka go’naashaha dawladda Soomaaliya ee la dagaalanka musuqa, ayna ku dhisayso hay’ado dawli oo la aamini karo”, ayuu yiri James.

“Waxaan ka dhur-sugeynaa hirgelin wax-ku-ool ah oo la hirgeliyo ballan-qaadyadaan oo ay ku jiraan kor-u-qaadista hab-shaqo sharciyeedka iyo kan hey’adeed ee looga hortegayo musuqmaasuqa, oo ay babar socdaan hirgalinta tallaabooyin adag oo ciqaab-marin ah.” ayuu sii raaciyay.

DFS ayaa shaaca ka qaadday in ay diyaar u tahay saxiixidda heshiiska QM ee la dagaalanka Musuqa ee loo soo gaabiyo (UNCAC) kaas oo muhiim u ah la dagaalanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale DFS waxay horay u  ansaxisay Heshiiska Midowga Afrika ee Ka-hortagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (AUPCC), kaas oo la saxiixay 2006dii laakiin aan la dhaqangelin ilaa iyo hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here