QM oo ku baaqday in la sii wado dadaallada lagu caawinayo qaxootiga iyo dadka barakacay ee ku sugan soomaaliya

0
313

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Howl-galka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaalya (UNSOM) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xaaladda barakacayaasha iyo qaxootiga ku sugan Soomaaliya, iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka.

Iyadoo xusaysa Maalinta Qaxootiga Adduunka, ayaa bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in la ilaaliyo guulihii laga gaaray yareynta dhibaatada heysata qaxootiga ku sugan Soomaaliya, iyadoo dalku uu xoogga saarayo ka-jawaab celinta aafada COVID-19. Qaramada Midoobay waxay sidoo kale qiraysaa dadaallada ay dowladdu ku horumarineyso xaaladda dadka barakacayaasha ah.

“Hay’adaha Soomaaliya waxay dadaal dhab ah oo hagar la’aaneed u galeen taageerada iyo dhowridda xuquuqda magan-gelyo iyo badbaadinta dadka ku barakacay colaadaha, cadaadis ay ka carareen iyo saameynta isbedelka cimilada. Arintan waxaa sii adkeeyay aafada cusurka COVID-19 – waa in [hay’adaha Soomaaliyeed] lagu amaano dadaalladooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalinta Qaxoontiga Adduunka waxay ku soo beegantay waqti ay Soomaaliya ka jirto khatar saddex-geesood ah – ka-sokow aafada COVID-19, dalku wuxuu la tacaalaayaa la-dagaallanka ayaxa iyo fatahaado. Arrimahaan waxaa ka dhashay caqabado aan horay loo arag, laakiin waxaan aragnay adkeysi iyo waxqabad muuqdo oo ay muujiyeen dadka soo barakacay oo kaalintooda ka qaatay sameynta is-bedello, iyagoo ku dhaqaaqay hawlo [kaladuwan] sida sameynta maryaha sanka iyo afka lagu xirto (face masks) iyo saabuun. Waa in aan garab istaagnaa oo aan xaqiijino in guulaha la gaaray aan la lumin,” ayuu yiri Wakiilka Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Johann Siffointe.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in qiyaastii 2.6 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha dalka, iyadoo sidoo kale Soomaaliya ay hooy u noqotay islamarkaana marti-gelisay 30,000 oo qaxooti ah ku waas oo magan-gelyo ahaan u soo galay Soomaaliya.

Dadka Qaxootiga ah oo ay Soomaaliya marti-gelisay ayey QM sheegtay in ka yimaadeen Yemen iyo Itoobiya.

Dhanka kale QM ayaa sheegtay in walaac laga qabo dadka ku barakacay gudaha dalka ay aad ugu nugulyihiin qatarta feyraska Korona maadaama ay xirooyinka barakacayaashu ku badanyihiin dadka.

Dunida ayaa maanta laga xusayaa Maalinta Qaxootiga Adduunka oo ku beegan 20-ja Juun, maalintan u gaarka ah Qaxootiga Addunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here