QM oo ka digtay musiibo kusoo fool leh 20 milyan oo ku nool Geeska Africa.

0
180

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dad lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ku nool qaybo ka mid ah Itoobiya, iyo Kenya oo ay abaaruhu saameeyeen in ay la kulmi karaan musiibo ay gaajadu ka mid tahay, haddii gobolka ay ku dhufato abaar sannadkii afraad oo xiriir ah.

WFP ayaa sheegtay in baaqashada dalagyadii ka soo go’i lahaa dalka Itoobiya ay sababatay in 7.2 milyan oo qof ay la soo gudboonaatay macaluul ba’an, isla markaana ay dileen in ka badan hal milyan oo xoolo ah.

Xaaladda dalka Kenya ayaa ah mid aan ka rooneyn tan Itoobiya, iyadoo abaarta ka sii daraysa ay keentay in inka badan saddex milyan oo qof ay cunto la’aan ku dhacdo.

Agaasimaha WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, waxa uu sheegay in tirada dadka gaajeysan ay u gudbi karto dad lagu qiyaasay 14 milyan ilaa 20 milyan, haddii roobabku ay dib u di’i waayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here