QM oo balaayiin doollar u raadineysa xaaladda bani’aadamnimo ee qaxootiga Suuriya

0
314

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Qaramada Midoobay ayaa deeq-bixiyeyaasha caalamaiga ah ka dalbaneysa in ay bixiyan 10 Bilyan oo dollar taas oo looga jawaabayao xaaladda adage e dhanka bani’aadamnimada ah ee heysata qaxootiga reer Suuriya oo iyagu wajahaya 10 sano oo dagaal sokeeye ah.

Shirka shanaad ee sannadlaha ee kaas oo qaxootiga Suuriya looga ilaalinayo dayaca iyo gaajada oo ay soo qabn qaabiyeen Midowga Yurub ayaa looga dalbanayaa 4.2 bilyan oo loogu tala galay dadku ku barakacay isla gudaha Suuriya iyo 5.8 bilyan oo loogu talagalay waddamada marti-geliyay qaxootiga Suuriya ee ka soo cararay colaadda dalkooda.

Illaa 24 milyan oo ruux ayaa ubaahan waxyaabaha asaasiga u ah nolosha sida cunnada, biyaha iyo hooyga, waxayna tiradaas 4 milyan sare uga kacday tii sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here