Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay xaalada gobolka Tigray.

0
337

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dagaalka ka socda meelo badan oo ka tirsan gobolka Tigray uu saameyn ku yeeshay howlaha gargaarka.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey waxay sheegayaan in la geli la’yahay gobolka Tigray si gargaar loo gaarsiiyo shacabka inkasta oo dowladda Itoobiya dhawaan ay kala saxiixdeen heshiis gargaar lagu gaarsiinayo shacabka ku nool deegaanada ay la wareegtay dowladda.

Dadka ku nool caasimadda Mekelle ayaa  sheegtay in dagaallada ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda inkasta oo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda.

Waxay sheegeen in magaalada ay koronto la’aan tahay oo aysan heysan biyo.

Waxay sidoo kale sheegayaan in falalka dhaca ah ay kusoo badanayaan magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here