Qaramada Midoobey oo sheegtay in dad badan uu soo ritay xanuunka COVID-19 maalin qura adduunka oo dhan

0
305

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay dadkii ugu badnaa ee uu ku dhaco xanuunka Karoona maalin qura muddo bil ah laga diwaan galiyay adduunka oo dhan.

WHO waxay sheegtay in muddo 24 saac gudahood ah adduunka laga diwaan galiyay 294 kun oo kiis.

Warbixintaan waxay sheegaysaa in dadkaan badankood ay joogaan 5,ta dal ee hadda dadka ugu badan ee xanuunkaan hayo joogaan oo kala ah Maraykanka, Baraasil Kuuriyadda Koofureed iyo Hindiya.

Dalka Kuuriyadda Koofureed 5 bilood ee lasoo dhaafay dad badan ayuu ku dhacayay xanuun sidaha Karoona sida Q,M sheegtay.

Adduunka hadda dadka uu xanuunkaan hayo waxay ka badan yihiin 21 million oo qof waxaana u geeriyooday 771 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here