Qaramada Midoobay oo sheegtay in Cunatada lagu daadi jiray qashin yaraadeen kadib markii uu karoona saameeyn ku yeeshay Raashiinka

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-In ka badan 900 milyan oo tan oo cunto ah ayaa la tuuraa sannad walba, sida lagu sheegay warbixin caalami ah.

Tan iyo markii ay xayiraadaha la xiriirta Covid-19 bilawdeen, waxaa yaraaday cuntooyinkii qashinka lagu dari jiray.

Hay’adda samafalka ee Wrap, oo ah hay’adda ay Qaramada Midoobay isla soo saareen warbixintan, ayaa sheegtay in dadka ay si taxaddar leh u qorsheynayeen adeeggooda iyo cuntadooda.

Mashruuca Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in 17% cuntada ay isticmaalan macaamiisha dukaannada iyo maqaayadaha ay si toos ah u galaan qashinka.
Qiyaastii 60% qashinkaas waa mid ka yimaada guryaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here