Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha Jubaland Oo Tababar Uga Furmey Kismaayo

0
101

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tabarkan oo socon doona Mudo Sedex Maalin ah ayaa waxaa loo qabtey Howl wadeenada Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Jubaland Sida Haweenka,Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Gargaarka, waxaana tababarka lagu bari doonaa badqabka Bulshada sidii loo ilaalin lahaa.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Jubaland Ibraahim Mahamed Qooshow oo Tababarka Furey ayaa Howl wadeenada Kula dardaarmey in ay tababarka si sax ah uga Faa’ideystaan waxyaabaha lagu baran doono, Isagoo Sheegey in Tababarada noocaan oo kale ay muhiim u yihiin shaqaalaha kala duwan Hey’adaha Dowlada Jubaland.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here