PSG Oo Shaqada Ka Caydhisay Mauricio Pochettino

0
190

Kooxda PSG ayaa shaqada ka caydhisay tababare Mauricio Pochettino kadib bil si weyn loo hadal hayay mustaqbalkiisa kooxda.

Kooxda reer France ayaa is badal weyn ku samaynaysa kooxda kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Kylian Mbappe.

Tababarihii hore ee Tottenham ayaa kooxda PSG kula guulaystay horyaalka Ligue 1 laakiin ku fashilmay in uu kooxda ku hogaamiyo champions League.

Kooxda PSG ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay” PSG waxa ay xaqiijinaysa in tababare Mauricio Pochettino uu ka tagay kooxda”.

“Kooxdu waxa ay Mauricio Pochettino uga mahad celinaysaa shaqadii fiicnayd e uu u qabtay kooxda wakhtigii uu joogay kooxda”.

Kooxda PSG ayaa la filayaa in ay magacawdo tababaraha cusub ee shaqada ka badali doona tababare Mauricio Pochettino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here