Priyanka Chopra oo shaaca ka qaadday xaalad ay la kulantay markii ay ku biirtay Bollywood-ka

0
154

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Atariishada lagu magacaabo Priyanka Chopra Jonas ayaa barnaamijka Taxanaha 100 Dumar ah ee BBC-da u sheegtay in ay markii ugu horreysay heshay mushaar la mid ah kan uu qaadanayo atoore ay hal filim isla jilayaan, kaas ooh adda lagu siinayo musalsalka soo socda Citadel, oo ku saabsan Jaajuuska Mareykanka.

Xiddigtan oo muddo 22 sano ah kusoo dhex jirtay xirfadda jilitaanka ayaan waligeed heli mushaar la siman kan loo qoro atooraha, sida ay sheegtay.

Waa atariisho guulo aad u waaweyn ka gaartay Hindiya, waxa ayna jishay in ka badan 60 filim oo Bollywood ah. Qiyaastii toban sano ka hor waxay usii gudubtay Hollywood-ka, haddana waxa ay ka mid tahay jilayaasha Hindiya ee faro-ku-tiriska ah ee magaca ku yeeshay shirkadda madadaalada eel aga leeyahay Mareykanka.

“Waligey mushaar caddaalad ah kuma qaadan Bollywood-ka. Waxaan heli jiray lacag u dhiganta 10% ka mid ah mushaarka uu qaadanayo jilaaga ninka ah [atooraha],” ayey tiri Ms Chopra Jonas.

“Wuxuu ahaa [farxiga u dhaxeeya mushaarka] mid weyn, six ad dhaaf ah u weyn. Ilaa haddana dumar badan ayaa arrintaas la kulma. Waan hubaa aniga xitaa way igu dhaceysaa haddii aan qeyb ka noqdo filim aan atoore ku wada jirno oo Bollywood ah,” ayey sii raacisay.

“Jiilkeyga dumarka atariishooyinka ah way codsadeen [in la isla ekeysiiyo lacagta]. Waan codsannay, balse ma aannaan helin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here