Premier League Oo Xaqiijiyay In Laba Qof Laga Helay Xanuunka Korona Kadib Baadhitaankii Ugu Dambeeyay Ee La Sameeyay.

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Premier League ayaa xaqiijiyay laba kiis oo ah xanuunka Korona kadib baadhitaankii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay Xiddigaha iyo shaqaalaha Kooxaha premier League.

Maamulka Premier League ayaa xaqiijiyay in ay wareegii 8-aad ee baadhitaanka Xanuunka Korona ee kooxaha sameeyeen 1,200 baadhitaan oo dhamaan 20-ka kooxood ah kuwaas lagu sameeyay xiddigo iyo shaqaale tababar.

Kadib baadhitaankii waxa xanuunka laga helay 2 qof oo ka tirsan laba kooxood oo kala duwan kuwaas oo gali doona karantlii muddo 7 maalin ah ka hor inta aan dib loo baadhin.

Inkasta oo la qariyay magacyada dadka laga helay xanuunka Korona hadana Kooxda Norwich City ayaa xaqiijisay in uu xiddig kooxdeeda ka tirsan laga helay xanuunka kadib baadhitaankii la sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here