Pochettino Oo Sharaxay Sababtii Uu Moises Caicedo Ku Seegay Kulankii Bournemouth

0
53

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in Moises Caicedo uu ka maqnaa kulankii ay Blues barbaraha 0-0 la gashay Bournemouth axadii sababo la xiriira dhaawac jilibka ah.

Xiddiga ugu qaalisan suuqii xagaaga ee la soo dhaafay ayaa ka maqnaa kulankii ay Blues u safartay Vitality Stadium, halkaasoo Blues ay dhibco lumisay markii afaraad shan kulan oo ay ciyaartay.

Tababaraha Kooxda chelsea ayaa shaaca ka qaaday in uu xiddigu dhaawac kala soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa Eucador.

“Caicedo waxa uu dhaawac jilibka ah kala soo laabtay Fasaxii xulalka, waxa aan u baahanahay in aan qiimayno xaaladiisa Laakiin diyaar uma ahayn kulankii Bournemouth”ayuu Pochettino yidhi.

Wali lama oga in uu xidduga 21 jirka ah taam u noqon doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Aston Villa kulan ka tirsan horyaalka premier league.Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here