Pierre-Emerick Aubameyang Oo Sharaxay Sababta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedka Xun Ee Arsenal Xilli Ciyaareedkan.

0
243

Kabtanka kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in Wal-Wal ay qabaan xiddigaha kooxdu ay ka dambeeyaan guuldarooyinka iyo qaab ciyaareedka xun ee ay kooxdu ku soo bandhigtay xlli ciyaareedkan.

Gabriel ayaa noqday xiddigii 7-aad ee Arsenal ah ee kaadhka cas loo taago sanadkan kadib markii laba kaadh oo digniin ah loo taagay kulankii Southampton ee Arbacadii.

Waxa intaas sii dheer in uu yahay xiddigii 3-aad ee kaadhka cas loo taago 5-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Wakhti Xaadirkan waxan u malaynayaa in aan yara wal-walsanahay sababta oo ah waxa aan u baahanahay dhibco iyo guulo, ama marar qaar waxa aan samaynayaa khaladaad xun laakiin waan wajahayaa arintaas”ayuu Pierre-Emerick Aubameyang yidhi.

“Waxa aan u baahanahay in aan is dajino oo aan si maskaxaysan u ciyaarno waliba 11 xiddig ku joogno garoonka sababta oo ah waan u baahanahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here