Pierre-Emerick Aubameyang Oo Arsenal Ka Caawin Kara Saxiixa Xiddig Uu Mikel Arteta Doonayo.

0
276

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis isku badalasho ah la samaynayso kooxda Juventus iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddigeedii hore ee Aaron Ramsey iyaga oo Juventus diyaar ula ah xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Xiddiga reer Wales ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo kooxda Juventus waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Kooxda Arsenal ayaa dhanka kale masuuliyada kabtanimo ka qaaday xiddiga Aubameyang kadib markii uu sameeyay khalad taas oo lagu ciqaabay sidoo kalena laga saaray tababarka kooxda 1-aad.

Shabakada Four Four Two ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal doonayso in ay la soo saxiixato xiddiga Ramsey iyaga oo xitaa diyaar u ah in ay Aubameyang miiska u saaraan si ay u helaan xiddigoodii hore.

Arteta ayaa si aad ah u doonaya in uu dib u helo xiddiga reer Wales kaas oo uu doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here