Philippe Coutinho Oo Ogolaaday In Uu Ku Soo Laabto Premier League

0
279

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto kubadsameeyaha Barcelona Philippe Coutinho si uu u noqdo saxiixa ugu horeeya ee ay kooxdu samaynayso kadib markii ay la wareegeen milkiilayaasha cusub ee reer Sucuudi.

Khamiistii ayaa la xaqiijiyay in dhaxal sugaha dalka Sucuudiga ee Mohammed bin Salman La wareegay kooxda Newcastle United sidaasna ku noqday milkiilaha cusub ee kooxda.

Wargayska Sport.es ayaa sheegaya in ay Newcastle iyo milkiilaayasheeda cusub haatanba la hadleen wakiilka xiddiga Philippe Coutinho si ay xiddiga uga dhigaan saxiixooda ugu horeeya ee kooxda.

Philippe Coutinho Ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Liverpool isaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa dhanka kale la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro mashruuca cusub ee kooxda Newcastle United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here