Pep Guardiola Oo Shaki Ku Tuuray Qorshaha Man City Ee U Dhaqaaqista Harry Kane.

0
243

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa umuuqday inuu meesha ka saarayo u dhaqaaqista Harry Kane sababa la xiriira qiimaha ay ku dooneyso Tottenham Hotspur.

Xiddiga Harry Kane ayaa qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Tottenham kadib 17 sano oo uu ku qaatay kooxda kadib markii ay kooxdu koob la’aan baxday xilli ciyaareed kale.

Manchester United, Paris Saint-Germain, Chelsea iyo Real Madrid ayaa lala xiriirinayay xiddiga reer England laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay xiiso dhab ah u qabto saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay ku iibiso xiddiga lacag dhan 150 milyan oo euro Guardiola ayaana sheegay in ayna lacagtaas ahayn mid ay kooxdiisu bixin karto.

“Waxaan qiyaasayaa in hadii aan dooneyno inaan la soo saxiixano xiddig Barca ama Real Madrid ah kuna bixino lacag dhan 100 milyan, Barca iyo Madrid ma caban doonaan”ayuu u sheegay TV3.

“Way ku farxi lahaayeen in aan bixinayno lacataas, waxan rajaynayaa in ay haatan Tottenham ku farxi lahayd”.

“Ma garanayo sida uu suuqu ku dhamaan doono, ma garanayo waxa aan suuqa ka samayn karno sababta oo ah marar badan waxa aad doonaysaa waxyaabo aan suurtagal ahayn”.

“waxa aan samayn karno waan samayn doonaa, hadii aanan sii haysan xiddigaha aan haatan haysano kumaanu guulaysaneen koobab horyaalka ah 3 ka mid ah 4-tii sano ee la soo dhaafay sidoo kale waxa aan gaadhnay final-ka champions Leageu”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here