Pep Guardiola Oo Maamulka Man City U Sheegay Xiddiga Ugu Horeeya Ee Uu Doonayo In Uu Keeno Kooxda Suuqa Soo Socda

0
185

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu aad ugu baahan yahay kooxdiisa inay lasoo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee Leeds United Kalvin Phillips marka la gaadho suuqa xagaaga.

25 jirkaan ayaa 215 kulan u saftay kooxda Leeds tan ilaa markii uu kulankiisa ugu horeeya u saftay kooxda sanadkii 2014 waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga khadka dhexe ee Phillips ayaa xiddig joogto ah ka noqday xulka qaranka England isaga oo ciyaaray tartankii euro 2020 ee la qabtay bilihii la soo dhaafay.

Xiddiga khadka dhexe ayaa wali 3 sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Leeds United laakiin wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Man City doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in uu Pep Guardiola u sheegay maamulka Kooxdiisa in ay la soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here