Pep Guardiola Oo Ka Jawaabay Wararka Kevin De Bruyne La Xidhiidhinaya Kooxaha Sucuudiga.

0
41

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa jawaab adag ka bixiyay wararka sheegaya in Kevin De Bruyne uu ka tagayo Manchester City.

Kooxda Saudi Pro League ee Al-Ittihad ayaa la fahamsan yahay inay indhahooda ku hayaan xiddiga reer Belgian, iyadoo De Bruyne – oo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan uu qirtay in uuna diidi karin mushaharka kooxaha sucuudigu bixinayaan.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka hadlaya ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Manchester City ay kula ciyaari doonaan Celtic North Carolina tababaraha Man City Guardiola ayaa sheegay in aanu xiddiga 33 jirka ah ka tagin doonin kooxda.

“Haddii ay cid ka tagayso kooxda waan ka hadli doonaa”ayuu yidhi.

“Dabcan, ilaa maalinta ugu dambeysa, waxaan haysanaa fursado aan saxiix ugu samayn karno”.

“Waxa aan hubaa in 85.90% in aan sii haysan doono kooxda aan haatan haysano”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here