Pep Guardiola o Ka Hadlay Tartanka Horyaalka Premier League

0
359

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa aaminsan in tartanka horyaalka Premier League uu wali furanyahay isla markaas ayna Liverpool iyo Chelsea ka hadhin tartanka wali.

Hadalka tababaraha ayaa imanaya inkasta oo ay kooxdiisu 8 dhibcood ka horayso kooxda chelsea ee kaalinta 2-aad ku jirta isla markaas 9 dhibcood ka horayso kooxda Liverpool.

Kooxaha Liverpool iyo chelsea ayaa dhibco lumiyay todobaadkan iyada oo Liverpool guuldaro kala kulantay kooxda Leicester City halka ay Chelsea bar- baro la gashay kooxda Brighton.

“Waxaa jira 54 dhibcood oo loo ciyaarayo iyo kooxo kale oo aad u adag oo lala ciyaari doono, marka dhinacaas laga eego 8 dhibcood ma ahan wax badan oo la isku halayn karo”ayuu Pep Guardiola yidhi.

“Kooxaha chelsea iyo Liverpool wali way ku jiraan tartanka horyaalka waana kooxo adag, Labada kooxoodba waa kooxo ku guulaystay champions League”ayuu sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here