Pedri Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Guul Muhiim Ah.

0
387

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga kaddib markii ay guul cidhiidhi ah ka gaadhay Sevilla oo ay gool madi ah kaga adkaatay.

Kulan xiise badnaa oo ka dhacay Camp Nou ayay Barcelona ku muquunisay Sevilla oo ay ka tuurtay sallaanka kaalinta labaad ee horyaalka oo muddo dheer ay kusoo jirtay, waxaana libintan ku hoggaamiyey mucjisada khadka dhexe ee Pedri oo gool qurux badan dhaliyey dhamaadka ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Ciyaarta oo ku bilaabatay weerar iyo rogaal celis ay labada kooxood si aad ah ugu loollamayeen khadka dhexe iyo garbaha, inta badanna ay Barcelona maamulaysay ayay qaybta hore labada kooxood sameeyeen wax kasta oo suurtogal ahaa, laakiin waxay awoodi waayeen in ay goolal dhaliyaan

Barcelona ayaa fursaddii ugu fiicnayd heshay bilowgii ciyaarta laakiin goolhaye Yassine Bounou ayaa badbaadin heersare ah samaynayay mar kasta oo kubaddu u tagto, halka Sevilla ay dhamaadka qaybta hore heshay fursadaheeda ugu fiican.

Difaaca ayay si aad ah uga ciyaarayeen labada kooxood, waxaanay muujiyeen in ay yihiin naadiyo leh ciyaartooyo si fiican u ilaalin kara shabaqooda oo goolhayeyaashooda garab weyn siin karaya.

Xiddiga reer France ee Ousmane Dembele ayaa ahaa laacibka ugu cadcaddaa qaybta hore, waxaanu garabka midig ka keenayay kubbado halis ahaa, waxaana laba baas oo uu dhiibay ay halis geliyeen goolka Sevilla. Tiraba siddeed kubbadood oo khatar ahaa ayuu ka keenay dhinaca midig, waxaanay difaacyahannadu farta ku fiiqayeen booskaas oo Karim Rekik uu awoodi waayey inuu joojiyo Dembele.

Sevilla ayaa ciyaarteeda fiican soo bandhigtay qaybtii dambe, waxaanay daqiiqad kasta u muuqnayeen in ay gool dhaliyaan gaar ahaan 20kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey.

Hase yeeshee Pedri ayaa hoggaanka u dhiibay Barcelona daqiiqaddii 72aad, waxaana kubbad uu bannaanka ugu dhiibay Dembele uu u gooyey laba ciyaartoy oo uu waabin iyo dhaqaaq ku dilay, ka hor intii aanu laad awood badan ku tooganin oo aanu dhinaca midig ee goolhaye Yassine Bounou ka gelinin shabaqa.

Dhamaadkii uu goolhaye Ter Stegen isku dhiibay kubbad uu hortiisa dhigay, hase yeeshee markii lagu celiyey goolkiisa oo uu kasoo baxsanaa ayuu si degdeg ah isku tuuray, waxaanu soo qabtay kubadda oo usii dhaafaysa dhinaca goolkiisa.

Pedri oo ahaa mucjisada Barcelona la baxsatay ayaa khadka dhexe shaqo adag ka qabtay, waxaana markii kooxdiisa culaysku fuulay uu u dheelay sida difaacyahannada isaga oo afar taakal oo cajiib ahaa sameeyey, laba jeerna kubadda dhexda ka qabtay, halka laba jeerna isaga qalad lagu galay xilli uu khadka dhexe kubadda ka boobay.

Garsooraha ayaa xamaasadda ciyaarta darteed saddex kaadh oo huruud ah hal mar is-wada raaciyey kaddib markii ay ciyaartoyda Sevilla ku doodeen in kaadh casaan ah la siiyo Gerard Pique oo qalad badheedh ah ku galay Montiel oo u muuqanayay in aanay cidina ka joojinayn goolka oo uu kubadda kula socday.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga soo gashay, waxaanay yeelatay 57 dhibcood waxaanay farqiga goolasha iyo kulan u baaqi ah kaga sare martay Atletico Madrid iyo Sevilla oo ay isku dhibco yihiin.

Real Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa ayay saddexdan kooxood ka dambeeyaan min 12 dhibcood, waxaase u dhowaan karta Barcelona maadaama hal kulan baaqi u yahay.

Horyaalka LaLiga ayay ka hadhsan yihiin siddeed kulan, waxaanay u muuqataa in kooxahani aanay rajo badan ka qabin inay soo qabtaan Real Madrid maadaama ay 12 dhibcood oo u dhigma afar ciyaarood ay ka horreyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here