Paulo Dybala oo ka careysiiyay maamulka Juventus

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa dareemeysa in xiddigeeda Paulo Dybala uu falal aan wanaagsaneyn u sameynayo si suuqa xagaagan loo fasaxo.

Kooxda Taliyaaniga ka dhisan ayaa falalka doodda dhaliyay ee Dybala ku kacay u aragta khiyaano, waxaana ay hadda dooneysaa inay suuqa geyso laacibkan oo ay iibiso.

Xiddigan ayaa biyo kulul dhex fariistay kaddib markii uu ka qayb galay xafladdii sharci darrada ahayd, isla markaasna liddiga ku ahayd xeerka xakameynta Korona Fayras ee uu Weston McKennie gurigiisa ku qabtay dhowaan, taasoo sababtay inay kooxdu ganaaxdo 27-jirka weerarka ka ciyaara.

Tababare Andrea Pirlo iyo Madaxweyne Andrea Agnelli ayaa lagu soo warramayaa inay labaduba gadood ka yihiin waxa uu sameynayo Dybala, waxaana maamulka Juventus uu hadda ka arrinsanayaa inay xiddigan guud ahaan iska iibiyaan ka hor inta uusan bisha January ee sanadka dambe awood u yeelan inuu heshiis horudhac ah la gaaro kooxdii uu doono kaddibna bilaash kaga dhaqaaqo xagaaga kooxda Turin ka dhisan.

Iyadoo dhowaanahan mustaqbalka Dybala uu ahaa mid shaki ku jiro, haddana waxaa lagu soo warramayaa in xagaagan laga iibin doono garoonka Allianz Stadium.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilka xiddiga reer Argentina ee ayaa ku sugan dalka dhaca koonfurta Ameerika, isagoo aanan dalka Taliyaaniga imaanin dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaana dhanka kale xusid mudan in madaxweyne ku xigeenka Juventus ee Pavel Nedved uu horraan sheegay in kooxda Bianconeri ay ka faa’ideysan doonto fursad walba oo ganacsi oo suuqa kala iibsiga ay ka aragto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here