Paul Pogba Oo Ka Tagaya Man United Oo La Xaqiijiyay

0
290

Wakiilka caanka ah Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in waqtigii Paul Pogba ee Manchester United inuu soo dhamaaday isagoo tilmaamay in xiddiga Faransiiska uusan sii joogi doonin Old Trafford.

Qandaraaska uu xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska kula jiro Manchester United wuxuu dhacayaa bisha Juun 2022 laakiin waxa ay u badan tahay inuu ka baxayo albaabka Old Trafford xagaaga soo socda.

“Waa soo dhamaatay, waxaan si buuxda u dhihi karaa in waqtigii Paul Pogba ee Manchester United inuu soo dhamaaday” ayuu Raiola ku sheegay wareysi uu siiyay jariirada Talyaaniga ee Tuttosport.

Raiola ahaa ah wakiilka rasmiga ah ee Paul Pogba, waxayna tani xaqiijineysaa in xiddiga Faransiiska uu go’aan ku gaaray inuu isaga dhaqaaqo Old Trafford.

Waqtiyadii ugu danbeysay waxaa Paul Pogba lala xiriirinayay Real Madrid laakiin baaqi ayuu ku sii ahaaday kooxda.

Balse haatan tababare Solskjaer ayaa bilaabay inuu kursiga keydka ku dhaafo xiddiga khadka dhexe taasoo soo dedejisay go’aanka uu haatan qaatay ee ah inuu isaga tago Man United.

Raiola ayaa sidoo kale ku canaantay Juventus inay la saxiixan waayeen xiddiga kale ee uu wakiilka u yahay ee Zlatan Ibrahimovic kaasoo ku laabtay AC Milan.

“Juventus inay la saxiixato Zlatan Ibrahimovic ayay aheyd, wuxuu noqon lahaa weeraryahanka ugu haboon ee ka garab ciyaari kara Cristiano Ronaldo.” ayuu yiri.

Wareysiga dhameystiran ee Mino Raiola uu siiyay Tuttosport waxaa la soo daabici doonaa berri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here