Paul Pogba Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Kadib U Soo Bixistii Champions League.

0
384

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa sheegay in uu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Red Devils ayaa guul ku soo xidhatay xilli ciyaareedka 2019/2020 iyaga oo garaacay kooxda Leicester City una soo baxay tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loo hadal hayay mustaqbalkiisa bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda isaga oo xiiso ka helay kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Laakiin xiddiga reer France ayaa u muuqda mid sii joogi doona kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe hadii la rumaysto fariinta uu ku soo qoray baraha bulshada.

Paul Pogba ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Waxa aan ciyaari doonaa Champions League”.

Qoraalkan ayaa cadayn u noqon kara in uu xiddigu sii joogi doono Old Trafford xilli ciyaareeda dambe waliba go’aansaday in uu sii joogi doono Kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here