Paul Merson Oo Magacaabay Kooxda Halista Ku Ah Difaacashada Liverpool Ee Horyaalka Premeir Leagye

0
315

Halyeeyga Kooxda Arsenal e Paul Merson ayaa Man United ku tilmaamay kooxda ugu dhaw ee Halista ku ah Difaacashada Liverpool ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa bar-baro kala baxday kulankii Leicester City ee horyaalka premier League iyada oo haatan 4 dhibcood ka dambeeya Liverpool.

Kadib si xun oo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka kooxda Ole Gunners Ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Paul Merson ayaana aaminsan in ay kooxda Man United tahay kooxda ugu dhaw ee halista ku ah difaacashada Liverpool.

“Kooxda Man United ayaa ah Halista ugu weyn ee ay Liverpool wajahayso dagaalka ay ugu jiraan difaacashada horyaalka”ayuu Merson u sheegay Sky Sport.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here