Pakistan oo xayiraadda ka qaaday Masaajidda Ramadaanka Awgii

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Pakistan ayaa ka qaaday xariyaadii saarneyd masaajidda si loogu tukado, balse waxay soo rogtay talaaboyin kale oo lagu xakameynayo in uu cudurka faafo sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay.

Wadankan ku yalla Konfurta Aasiya ahna wadanka labaad ee Muslimiinta ugu badan ku noolyihin caalamka ayaa dalkiisa ku soo rogay xayiraad bil ka hor, iyagoo markaasi ogolaaday in masaajid walbo ay ku tukan karaan ugu badnaan shan qof
markiiba.”Masaajida waxa la siiyay fasax ay shuruud ku xiran tahay waxaana laga doonayaa inay raacaan dadka awaamirta cusub”, ayaa lagu yiri war qoraa ah.

Waxay dowladda sidoo kale ka dalbatay in qof kasta oo masaajidda galaya loga baahan yahay inuu xirnaado marada gafuur xirka.
Pakistan ayaa diwaangelisay 7638 xaaladood oo Corona ah, iyo 143 dhimasho la xiriirta cudurka.

Khuburada caafimaadka ayaa ka digaya in salaadaha jameecada ay horseedi karto inuu ku faafo cudurka dalkaasi oo ay ku nool yihiin in ka badan 200 Milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here