Ousmane Dembele Mise Adama Traore? Barcelona Oo Kal Dooranaysa Xiddiga Ay Kooxda Ku Sii Hayso

0
379

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay kala doorato Ousmane Dembele iyo Adama Traore xiddiga sii joogi doona Camp Nou xagaaga.

Kadib markii ay xirfada Dembele ee Barcelona u muuqatay mid dhamaatay suuqii Janaury, xiddiga reer France ayaa sii joogay kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waxana uu caawiye ka noqday 7 gool ilaa haatan.

Traore oo Barcelona ugu soo biiray qaab amaah ah 2 bilood ka hor ayaa markii hore loo keenay badalka Dembele laakiin xaalada dhaqaale ee ay kooxdu ku jirto ayaa keenaysa in ayna labada xiddigba sii joogi doonin kooxda.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Barcelona ayaa 30 milyan kula wareegi karta xiddiga Traore xilli ay kooxdu wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay xiddiga Dembele.

Xiddiga Dembele ayaa la sheegayaa in uu diyaar u yahay in uu sii joogo Barcelona hadii ay kooxdu miiska u saarto dalab qanciya waxana laga yaabaa in uu ka jabanaan doono hadii ay kooxdu la wareegayso xiddiga Traore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here