Olole Nadaafadeed Oo laga Sameeyey Xeebaha Magaalada Kismaayo.

0
25

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Xeebta Calanleey oo kamid ah xeebaha magaalada Kismaayo ayaa maanta laga sameeyay ololo nadaafadeed kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo oo iskaashanaya.

Ololahani nadaafadeed oo ah mid socon doono muddo sadex maalmood ah isla markaasina loogu diyaar garoobayo munaasabadda maalinta deegaanka Aduunka oo 5-ta bishan ku beegan ayaa waxaa kaalintooda ka qaatay madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jubbaland oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Gudoomiyaha gobolka Jubada hoose, Gudoomiye kuxigeenka Arimaha bulshada degmada Kismaay, Gudoomiyeyaasha xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, Ururka Haweenka degmada Kismaayo, iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Warkung waliba nig haaye Abdyraamang Mohamed Ahmed 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here