Ole Gunner Oo Digniin U Diray Ronaldo.

0
230

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Man United ee Ole Gunner ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uusan ka qeyb galeyn dhamaan kulamada kooxda marka loo eego da`diisa oo 36  sano ah .

United ayaa xagaagaan dib ula soo wareegtay Ronaldo iyadoo kulankiisii ugu horeeyay ee Newcastle-na uu dhaliyay laba gool

United ayaa talaadada waxa ay wareegga koowaad ee Group-yada  Champion-ka ku qaabilayaan Young Boys

Ole Gunner ayaa la weydiiyay in Ronaldo uu kulankaas safanayo waxa uuna ku jawaabay isaga oo ESPN u waramayay ” aan aragno waxa aan sameyn karno , waan qiimeynaa Ronaldo ka hor kulankaas”

” In Ronaldo kulamada qaar laga fogeeyo oo aan la safin ma ah wax mustaxiil ah , 36 sano ayuu jiraa , waxaan haysannaa Greenwood oo 19 sano jir ah , waa qasab in aan u maamulo daqiiqadaha uu ciyaarayo , waa in aan  u naxaa 36 sano jirkaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here