Nkunku Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Chelsea.

0
6

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Christopher Nkunku ayaa hoos u dhigay wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu ka tagayo Chelsea sabab la xidhiidha ciyaari la’aan.

Xiddiga reer France ayaa ka dambeeya xiddiga Nicolas Jackson isaga oo kaliya ciyaaray 68 daqiiqo premier League waxana uu ciyaaraa kulamada Koobka iyo Conference League.

Inkasta oo uuna ciyaarin daqiiqado badan hadana Nkunku ayaa dhaliyay 7 gool 11 kulan oo uu ciyaaray.

Xilli uu ku maqan yahay xulka qarankiisa Nkunku ayaa la weydiiyay haddii ay wax run ah ka jirto wararka la xidhiidhinaya kooxda PSG.

“PSG wali waa koox weyn,” ayuu u sheegay Telefoot.

“Waxa aan mar walba odhan jiray ma jiro wax xidhiidh ah oo ay ila soo samaysay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here