Ninka keligiis ka badbaaday tahriibayaal doon la saarna.

0
269

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dunida waxaa si weyn ugu faafay sawir laga qaaday nin musiibo ka badbaaday oo dul saaran doon gaddoontay oo tahriibeyaal la socdeen, kaasoo lagu arkay badda bartamaheeda meel ka baxsan xeebta gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Mr Montoya ayaa lasoo badbaadiyay kaddib markii uu dhowr saacadood keligiis biyaha dul sabeynayay, isagoo sheegay in dalka Bahamas kasoo baxay aroornimadii hore ee maalintii Axadda, xilligaasoo ay la socdeen 39 qof oo kale.

Waxaa safarka isaga ku wehlineysay walaashiis ka yar, oo lagu magacaabo María Camila, taasoo ka mid noqotay dadka musiibada lagu waayay.

Tahriibeyaasha ayaa intooda badan waxay kasoo safraan dalalka Cuba iyo Haiti, iyagoo isku daya inay dooman ku galaan Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here