Nin xoolihii uu lahaa beylihiyay oo lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi ah.

0
241

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Nin u dhashay dalka New Zealand ayaa lagu eedeeyay inuu si xun ula dhaqmay ari uu lahaa kaddib markii 226 neef oo ka mid ah xoolahaas lagu qasbanaaday in lagu laayo irbad maadaamaa ay aad u caatoobeen.

Xoolaha ayaa la sheegay inay ka muuqatay nafaqo-darro baahsan iyo inay xanuunsanaayeen, kaddibna waxaa lagu duray cirbad si loo dilo.

Bevan Scott Tait ayaa qaatay eedda loo soo jeediyay inkastoo kooxihii difaaceysay ay sheegtay inuu la daalaa dhacayo isku buuq isla markaana uusan helin taageero ku filan.
Maalintii shalay ahaydna, waxaa lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi guri ah iyo 150 saacadood oo shaqo danta guud ah, isagoo la mariyay Xeerka Daryeelka Xayawaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here