Nin u safray Dubai si uu u soo iibsado noocii ugu dambeeyay ee taleefoonka iPhone

0
120

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa kumannaan mayl u safray magaalada Dubay ee Imaaraadka Carabta si uu u soo iibsado iPhone-kii ugu dambeeyay, saacado ka hor inta uusan noocan cusub so gaarin dalkiisa.

Ninkan oo ka soo jeeda gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu soo galay safarkaasi dheer.

Dhiraj Baliel ayaa u safray dalka dibadiisa si uu u soo iibsado Iphone 14 todobaadkii hore isagoo isku dayaya inuu ka mid noqdo dadka aduunka ugu horeeya ee iibsada teleefankan cusub. Ninkan ayaa goostay tigidh qiimihiisu yahay 40,000 rupees oo u dhiganta $500, halka 129,000 oo rupees kalena uu ku iibsaday talefankan cusub.

Noocan cusub ee iPhone 14 waa mid ka mid ah taleefannada casriga ah ee loogu jecel yahay adduunka. Shirkadda Apple ayaa markii ugu horreysay soo saartay Iphone-ka sannadkii 2007-dii, wuxuuna talefankani wax ka beddelay tignoolajiyadda talefannada gacanta, taas oo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keenay guusha baaxadda leh ee shirkadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here