Nin Mareykan ah oo loo heysto ‘xatooyada’ lacag badan oo ay Soomaaliya leedahay

0
279

Qareen kasoo jeeda gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay eedeymo la xiriira isku dayga inuu xadi rabay lacag malaayiin doolar ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay Waaxda Caddaaladda Mareykaka ayaa lagu sheegay in ninkaas lagu soo oogay 11 dacwadood oo isugu jira wax isdaba marin iyo musuqmaasuq, isagoo damacsanaa inuu si sharci darro ah gacanta ugu dhigo maamulista lacag dhan 12.5 milyan oo doolar oo ah hantida Soomaaliya.

Warkan oo lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Caddaaladda, ayna sidoo kale soo tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn dalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in qareenka oo lagu magacaabo Jeremy Schulman, da’diisuna tahay 47, uu matalayay dowladda Soomaaliya, sidaasna uu lacagta ku dhici rabay.

Dacwadda ka dhanka ah Mr Schulman ayaa lagu qeexay in muddadii u dhaxeysay 2009-kii ilaa 2014-kii uu dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa dadaalkii ay ku dooneysay inay ku soo ceshato hanti uga maqneyd meelo ka mid ah caalamka, isagoo howshaasna uga qaadanayay qeyb ka mid ah lacagtaas oo uu ku sheegay qiimaha shaqadiisa iyo kharashka ku baxayay howsha.

Si uu khiyaanada u hirgaliyo, Schulman iyo dad kale oo uu kaashanayay ayaa sida lagu eedeynayo sameystay warqado been abuur ah oo ay ku muujinayeen in uu isagu dowladda Soomaaliya wakiil ka yahay, uuna oggolaansho u heysto soo celinta lacagtaas. Warqadahaas ayuu geeyay bangi ceymis ka heysta federaalka iyo hay’ado kale.

Intaas waxaa sii dheer in uu Mr Schulman, sida lagu eedeynayo, ka been sheegay xogta rasmiga ah, uuna qariyay macluumaadkii uu kasoo ogaaday bangiyada iyo waliba warqadihii been abuurka ahaa ee tilmaamayay matalaaddiisa dowladda Soomaaliya.

Khiyaanadaas waxay u suuragalisay Mr Schulman, qolyihii uu kaashanayay iyo shirkad dhinaca sharciga ka shaqeysa oo uu saami ku leeyahay inay ugu dambeyn gacanta ku dhigaan maamulka lacag lagu qiyaasay $12.5 milyan oo ahayd lacag Soomaaliya ka xayirneyd.

Schulman wuxuu shirkaddiisa arrimaha sharciga u fududeeyay inay si sharci darro ah ku qaadato $3.3 milyan oo ka mid ah dhaqaalahaas ay Soomaaliya lahayd, halka intii soo hartayna uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Howshan Schulman wuxuu ku qaatay boqollaal kun oo doolar oo ay magdhow ahaan u siisay shirkadda uu saamiga ku leeyahay, taasoo uu ku muteystay dakhliga uu sida khiyaanada ah ugu soo xareeyay. Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu geystay dambiyo kale oo la xiriira musuqmaasuq iyo lacago si sharci darro ah la isu daba mariyay.

Eedeymaha ninkan loo jeediyay ayeysan u badneyn in maxkamad loo soo taago ilaa la helo caddeymo la taaban karo oo kiiskaas la xiriira.

Bayaanka ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka soo saartay ayey ku codsatay in cid walba oo dhibbane u ah kiiskaas ay lasoo xiriirto, iyadoo sheegtay in arrintan ay baaritaanno ku sameysay FBI-da Mareykanka.

Qareenno u dooday ninka loo heysto eedeymaha xatooyada lacagta Soomaaliya ayaa sheegay in uusan wax khalad ah geysanin Mr Schulman, muddo dheerna uu garab taagnaa dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here