Nin isku dhigay tareen si uu u badbaadiyo gabar yar.

0
360

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Maxamed Maxbuub oo 37 jir ah, oo ku nool Bhopal, caasimadda Madhya Pradesh ee dalka Hindiya ayaa ku dhiiraday inuu badbaadiyo gabar yar oo hoos gashay tareen iyadoo arintan uu sameeyay Maxbuub si weyn looga hadal hayo dalka Hindiya.

Warbaahinta dalka Hindiya iyo boqolaal shacab ah ayaa ku sii qulqulaya gurigiisa si ay ugu hambalyeeyaan dadaalka uu sameeyay.

“Ilaahay baa fududeeyay howshan, markii ay gabadha caawimaad I waydiisatay, waxa aan u jiray ilaa 30 tallaabo, wakhtigaas waxaa gabadha daawanayay ilaa 30-40 qof, laakiin waxaan dareemay in gabadha u baahantahay in loo gurmado, waxaan ku khasbanadaay in aan sameeyo, waana caawiyay”ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Maxbuub ayaa hadda si weyn looga qadariya ama looga xushmeeya magaalada Bhopal iyadoo si weyn loogu amaano talaabada uu qaaday ee la xiriirta gabarta uu badbaadiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here