Nin baadigoobaya malaayiin dollar oo 9 sano ka hor uga luntay “qashin qub”

0
171

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ku dhawaad 10 sano ka hor, James Howells ayaa lumiyay qalabka uu ku keydiyo xogta (hard drive) oo ay ku jiraan macluumaadka Bitcoin, xilli uu nadiifinayay gurigiisa.

Macluumaadka Bitcoin ee ku jiray qalabkaas ayaa qiimihiisa haatan lagu sheegay 184 milyan oo dollar, waxaana Howells uu damacsan yahay inuu faago qashin qub uu tuhunsan yahay in qalabkaas lagu tuuray.

Howells oo injineer tiknolaajiyadda ah ayaa u ballanqaaday maamulka magaalada Newport ee Wales ee maamula qashin qubkaas inuu siin doono 10% lacagta ku jirta qalabkaas, waa haddii loo oggolaado inuu sameeyo baadigoobkiisa.

Hase yeeshee maamulka magaalada ayaa ku doodaya in faagidda qashinkaas ay horseedi karto dhibaato ku timaada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here