Nin Aljeeriyaan ah oo ku guulaystay bakhtiyaa-nasiib boqolaal kun oo dollar ah

0
202

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Nin u dhashay dalka Aljeeriya oo hadda ku nool dalka Belgium ayaa ku guulaystay bakhtiyaa-nasiib dhan 270,000 oo dolar.

Aljeeriyaanka ayaa qaadan la’ lacaagtaasi maadaama uu si sharci darro ah ku galay waddankaas, oo aanu haysan aqoonsi.

Xadiga lacagta oo badan awgeed, ninka ayaa loo sheegay in aan kaash ahaan lagu siin karin oo uu u baahan yahay akoon bangi si halkaa loogu shubo. Balse maadaama uusan haysan aqoonsi, ma sahlana inuu furto akoon.

Nin saaxiibkii ah oo damcay inuu lacagta u soo qaado ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii la tuhmay inuu si been abuur ah ku qaadan rabay lacagta.

Ninka Aljeeriyaanka ah ee lacagta ku guulaystay ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku isticmaalo gudaha Belgium oo uu noolal wanaagsan ku dhisto, basle shirkadda bakhtiyaa-nasiibka ayaa diiday inay bixiso lacagta maadaam ninkan uusan laheyn akoon uga furan dalka Belgium-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here