Nin 60 caruur ah dhalay oo raadinaya xaas afaraad iyo caruur dheeraad ah

0
139

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sardar Haji Jan Muxammad Khan oo ku nool magaalada Quetta ee caasimadda gobolka Balochistan ee waddanka Pakistan ayaa sheegay in uu u dhashay canugiisii ​​60-aad, maalintii Axadda.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu sheegay in shan ka mid ah carruurtiisa ay noqdeen kuwo Alle ka jeclaaday [ka dhinteen] halka 55 ka mid ah ay nool yihiin oo caafimaad qabaan.

Waxa uu sheegay in uusan halkaasi ku joogsan doonin, hadii Alle idmona uu ubad badan dhalin doono, iyadoo uu sidoo kale qorsheynayo inuu guur Afaraad sameeyo.

Sardar Jan Muxammad Khan oo konton jir ah ayaa waxa uu ka soo jeedaa qabaa’ilka Khalji wuxuuna degan yahay dhanka bari ee magaalada Quetta. Waa dhakhtar caafimaad, waxaana uu xarun caafimaad ku leeyahay isla aagga.

Sida laga soo xigtay xogta ay soo saartay Qaramada Midoobay, laga soo bilaabo 1960-meeyadii, heerka kobaca dadweynaha ayaa hoos u dhacayay adduunka oo dhan halka sanadkii 2020 uu ka yaraa boqolkiiba hal. Pakistan Heerka kororku wuxuu ka yaraa boqolkiiba 2 oo waxa uu sannadkaas ahaa 1.9 boqolkiiba.

Sardar Jan Muxamed ayaa sheegay in uu doonayo in uu sameeyo guurkii afaraad sidaas darteed uu raadinayo haweeney afaraad.

Wuxuu yidhi: “Waxaan ka codsaday dhammaan asxaabtayda inay iga caawiyaan sidii aan u heli haweeneydi guurkayga afaraad iga caawin lahayd. Noloshu waa ay ka sii baxaysaa gacanta, marka waxaan jeclaan lahaa in guurkii afraad uu dhaqso u dhaco.”

Waxa uu sheegay in aysan ahayn rabitaankiisa oo kaliya in uu ubad badan dhalo, balse sidoo kale xaasaskiisa ay sidaas oo kale rabaan kuwaas oo gabdho badan dhalay marka loo eego wiilasha.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah gabdhihiisa ay da’doodu ka weyn tahay 20-sano, balse aysan midkoodna weli guursan, maadaama ay waxbaranayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here