Nin 12 jeer ka baxsaday xabsi oo dadka badan ka yaabiyay.

0
250

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Nin 12 jeer ka baxsaday xabsi oo dadka badan ka yaabiyay.
Dadweynaha dalka Senegal ayaa aad u hadal haya nin marar badan oo is xig xigay ka baxsaday xabsiyo ku yaalla dalkaas,.Ninkan ayaa sheegay in 12 jeer uu ka baxsaday xabsi.

Ninkan oo lagu magacaabo Baye Modou Fall wuxuu sheegay inuu dumiyay qeybo kamid ah xabsiga isla markaana uu ka booday gidaarka isaga oo adeegsanaya xarig.

Wuxuu intaas ku daray in muddo 9 sano ah uu sugayay in caddaalad helo balse qareenada qaar ayaa dacwaddiisa ku tilmaamay inay muujineyso baahida loo qabo in wax laga baddalo nidaamka caddaaladda ee Senegal.

Ninka oo 32 jir ah wuxuu isku sheegaa in uu yahay ganacsade isla markaana hantida uu heysato uu ka dhexlay aabihii.

Waxaa marar badan la dhigay xabsi, waxaa la geeyay xabsi lagu xiro dadka aan qaangaarka aheyn, waxaa inta badan loo heystay falal la xiriira dhac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here