Nigeria oo dib u dhigtay furitaanka dulimaadyada caalamiga

0
372

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Nigeria ayaa muddo toddobaad ah dib u dhigtay furitaanka duullimaadyada caalamiga ah.

Duullimaadyada caalamiga ah ee Nigeria ayaa dib u furmi doona 5-ta September, halkii ay ka furmi lahaayeen 29-ka August.

Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in sababta dib u dhaca ay tahay arrimo dhanka farsamada ah, sida xoojinta shuruucda ka hortagga coronavirus.
Wasaaradda duullimaadka dalkaa ayaa cudur daar ka bixisay dib u dhaca.

Nigeria ayaa joojisay duullimaadyada caalamiga ah bishii March, tan oo qeyb ka ah tallaabooyinka wax looga qabanayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.
Duullimaadyada gudaha ayaa la furay bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here