Neymar oo si kulul ula hadlay taageerayaasha Lionel Messi kahor final-ka Brazil iyo Argentina

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr ayaa si adag ugu jawaabay qaar ka mid ah taageerayaasha reer Brazil ee doonaya in Argentina ay ku guuleysato Copa America, sababa la xiriira jaceylka ay u qabaan Lionel Messi.

Brazil ayaa iska xaadirisay final-ka Copa America kaddib markii ay garaacday Peru, halka Argentina ay ka soo gudubtay Colombia kulankii semi-finalka ahaa, kulankan ayaa lagu qaban doonaa waaberiga Axada soo socota garoonka caanka ah Maracana stadium ee ku yaal magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

Qof walba wuxuu sugayaa kulanka xiisaha leh ay is wajahayaan xiddigaha Messi iyo Neymar Jr oo ka soo wada ciyaaray Barcelona kahor inta uusan xiddiga reer Brazil ku biirin kooxda PSG.

Waxay u muuqataa in Neymar uu aad uga xanaaqsanaa qaar kamid ah taageerayaasha reer Brazil oo taageeri doona Messi kulanka finalka, sidaa darteed wuxuu fariin ugu diray bogiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, isaga oo yiri:

“Waxaan ahay Brazilian sharaf iyo kalgacal, riyadaydu waxay ahayd marwalba inaan ka mid noqdo xulka qaranka Brazil, oo aan maqlo taageerayaasha oo heesaya oo faraxsan.”

“Marnaba ma weerari doono Brazil haddii ay u ciyaareyso wax, ha ahaato isboorti, ama xitaa tartan moodal ah, ama Oscar,”

“Haddii Brazilian uu halkaas joogo, waxaan la jiraa Brazil, laakiin haddii uu shaqsi reer Brazil ah sidaas sameynin, waan xushmeyn doonaa, balse u tag…”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here