Neville Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Kulanka Liverpool.

0
31

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Gary Neville ayaa ayaa ka hadlay fursadaha kulanka ay Man United maanta la ciyaari doonto Liverpool kulan ka tirsan premier League.

Mid ka mid ah xifaaltanka waa weyn ee Premier League ayaa soo laabanaya galabnimada Axada iyadoo Liverpool ay u safreyso Old Trafford si ay ula ciyaarto United.

Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay sii kordhiso bilaawgeeda cajiibka ah ee xilli ciyaareedka isla markaas badisay kulamada ay ilaa haatan ciyaartay.

Dhanka kale Manchester United ayaa isku dayi doonta inay ka soo kabsato guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay Brighton, taasoo timid sideed maalmood ka dib guushii furitaanka ee ay ka gaareen Fulham.

Neville ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay fursadaha Man United.

Markii la waydiiyay in uu bar-baro qaadan doono kulanka Neville ayaa yidhi”Maya ma qaateen”.

“Waxa aan qabaa in uu Erik Ten U baahanyahay in uu helo natiijada saxda ah wakhtiga saxda ah, waan u wal-wali doonaa hadii ay United guuldaro la kulanto kulanka Liverpool”.

“Uma malaynayo in ay Man United la kulmi doonto guuldaro weyn waxa aan rajo ka qabaa fursadaha kooxda”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here