Netflix oo billaabaysa tartan u furan qof kasta oo lagu helayo malaayiin doollar

0
190

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Shirkadda Netflix ayaa diyaarinaysa dadkii ka qaybgeli lahaa barnaamij telefishin oo lagu samaynayo tartan musalsal ahaan si dhab ah loogu saleynayo nolol-maalmeedka dadka kaasoo laga matalayo filimkeedii ugu daawashada badnaa abid ee Squid Game.

Hase yeeshee, guusha iyo guul-darradu uma dhaxayn doonto nolol iyo geeri sida lagu arkay filimkaas laga daba dhacay ee lagu sameeyay Kuuriyada Koonfureed.

Taas beddelkeeda, tartameyaal ay tiradoodu tahay 456 qof oo ka kala socda guud ahaan caalamka ayaa ciyaari doona noocyo ciyaaro ah oo “qofka guul-darraysta uu waddankiisa ugu laabanayo isagoo faro maran” – sidaasna ku waynaya abaal-marin dhan $4.56m (£3.8m).

Mas’uuliyiinta Netflix ayaa dhowr maalin ka hor xaqiijiyay in la soo saarayo qayb kale oo ka mid ah musalsalkan caanka ah.

Shirkadda ayaa ku dhawaaqday in qaybta cusub ee musalsalka – oo lagu magacaabay Squid Game: The Challenge- kana kooban 10 xalqo ay ka qayb gali doonaan “dadkii ugu badnaa, abaalmarintuna ay noqon doonto lacag caddaan ah oo ah tii ugu badnayd ee taariikhda lagu qaato barnaamij telefishin ka baxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here